Dowladd Deegaanka Soomaalida Ethiopia Oo Tababaraya Ciidan Kumaandoos Ah

Jigjiga,(HCTV) – Dawladd Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa markii u horeysay yeelanaya ciidan gaar ah oo loo tababarayo, kuwaas oo ka hawlgali doona magaalada Jigjiga iyo hadba meelaha ay dhibaatooyin gaar ahi ka jirto ama laga soo sheego.

Ciidankan ayaa tababarkoodu uu ka socdaa Xerada Tababarada Ciidanka ee Garab-Case, waxayna qayb ka yihiin Ciidanka cusub ee Booliska gaarka ah, kuwaas oo tababar uga socodo isla xeradan Garab-case.

Ciidankan Kamaandoosta ah ee Deegaanku yeelan doono ayay tiradoodu gaadhaysaa 250, kuwaas oo marka ay tababarka dhammaystaan ay ka hawlgali doonaan kolba meeshii looga baahdo oo u badnaan doonta magaalada Jigjiga.

Booliskan gaarka ah iyo guud ahaan Ciidamada amniga ee degaanka ayaa waayadan dambe aad loo tayeeyay iyadoo tababaro garaadkooda iyo aqoontooda kor u qaadaya lasiiyay, sidoo kalena lagu soo kordhiyay hadda qaybtan gaarka ah ee Kamaandoosta oo la filayo markuu tababarkani dhawaan usoo dhammaado in ay wax badan ka badalayaan amniga magaalada Jigjiga.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.