IRAN Oo Siidaysay Laba Qof Oo Basaasnimo Ku Eedaysnaa

Tehran (HCTV) – Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ayaa siidaysay gabadh iyo Nin u dhashay Dalka Australia, kuwaasi oo muddo saddex bilood ah ku xidhnaa Dalka IRAN.

Siidaynta labada Qof oo IRAN hore ugu eedaysay Basaasnimo waxa Sabtida Maanta xaqiijiyey Wasiirka Arrimaha dibedda ee Australia Marise Payne.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Australia, Marise Payne ayaa sheegtay in lamaanahan oo Magacyadoodu kala yihiin Jolie King iyo Mark Firkin ay ku soo waajahan yihiin Gurigoodii isla-markaana Caafimaad qabaan.

Wasiirka Arrimaha dibeddu waxay sheegtay in dhammaan eedaymihii loo haystay oo ay ugu waynayd inay basaasiin ahaayeen la tuuray, sidaasi darteedna “Waxay dib ula midoobayaan Dadkoodii ay jeclaayeen..” ayay tidhi.

Labada xubnood ee la siidaayey ayaa la Dawladda Tehran xidhay, markii ay fasax la’aan duuliyeen diyaarad yar oo Drone ah, taasi oo qayb ka ah Sababaha loogu eedeeyay inay basaasiin yihiin.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka