Soomaaliya: Ciidamada Nabad-ilaalinta Ee Jabuuti Oo Dagaal La Galay Ciidammada Dawladda

Soomaaliya: Ciidamada Nabad-ilaalinta Ee Jabuuti Oo Dagaal La Galay Ciidammada Dawladda

Xukuumadda Oo Xidhay 31 Haween Ah Oo Ubadkoodii Lagu Haysto Liibiya
Ku-xigeenka Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan Hawlaha Bani-aadamnimo Ee Soomaaliya Oo Yimid Somaliland
Xisbiga WADDANI Oo Ka Dayriyey Xaaladda Caafimaad Ee Weriye Coldoon Oo Hargeysa Ku Xidhan
Sawirro: Madaxweyne Biixi Oo Gacantiisa Ku saxeexay Heshiis Dhex Maray Somaliland Iyo UK
Dacwad Laga Gudbiyey Xarunta Dhaqanka Ee Hargeysa Oo Qabatay Xus ku cusub Dhegaha Shacabka

Muqdisho (HCTV) – Ciidammada Jabuuti ee ka midka ah Ciidammada Nabad-ilaalinta Afrika ee AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa Maanta gelinkii hore ku dagaalamay Degmada Jalalaqsi.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, kadib markii maamulka degmada Jalalaqsi ay  diideen in hawada laga saaro lana demiyo xarunta shirkadda Hormuud  ee degmadaasi taas oo subax walba la demin jiray, ka dibna ay howlo miina  baadhis ah ay ciidamada Jabuuti sameyn jireen.

Dad ku sugan degmada Jalalaqsi ayaa sheegay ci ciidamada Jabuuti ee AMISOM ay gebi ahaanba la wareegeen xarumaha uu ku shaqeynayay Maamulka degmada Jalalaqsi, isla-markaana  ciidamadii  maamulkaas dagaal lagaga saaray Magaalada.

Dagaalkan oo noqonaya kii koowaad ee dhex mara Ciidammada Dawladda Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan iyo Ciidammada Jabuuti ama Hiil Walaal ee ku sugan halkaasi, ayaanay weli cidna ka hadal.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

 

COMMENTS

%d bloggers like this: