Suudaan: Hablaha Ciyaaraha Kubadda Cagta Oo 30 Sano Ka Dib, Garoomada Ku Soo Laabtay

Khartuum (HCTV) – Ciyaartii ugu horraysay ee Kooxda Kubadda Cagta Dumarka Suudaan la Ciyaaray, 30 sanadood oo Suudaan ay Mabnuuc ka ahayd inay dumarku Kubadda Ciyaaraan.

30-kii  sanadood ee uu xukunka dalka Suudaan hayey Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Suudaan Omar Hassan Al Bashir, Dumarka Suudaan looma ogolayn inay Ciyaaraan Kubadda Cagta.

Laakiin, illaa bishii April ee sannadkan oo xukunka laga riday Omar Al Bashir, Dawladda cusub ee ku meel-gaadhka ahi waxay muujisay inay door-bidayso Xorriyadda Hadalka iyo Xuquuqda Haweenka reer Suudaan, guud ahaan dalka oo dhan.

Ciyaaraha Kubadda Cagta ee Dumarka Suudaan ayaa Dadka Ciyaaraha daawada xiisaynayaan.

Ciyaartii u horraysay ee ay Hablaha reer Suudaan Ciyaaraan ayaa waxa iskaga hor-yimid kooxaha ‘Mars’ iyo ‘Sudan Eagles’, kuwaasi ku wada ciyaaray Garoonka Khartoum Stadium.

“Aad baan ugu faraxsanahay, maxaa yeelay waxaanu awoodnaa imika inaanu ku soo noqono Garoomada..” ayay tidhi, Azza Adel oo ka mid ah Hablaha reer Suudaan ee Kubadda Cagta Ciyaara.

Sara Mohamed oo ah Kabtanka kooxda Sudan Eagles oo Warbaahintu waydiisay dareenkeeda ayaa sheegtay in Dawladdii hore ay Dadweynaha nacsiisay Ciyaaraha Dumarku ciyaaraan, haddii xilligaa la sheego kubad ay dumar ciyaarayaana loo arkayey wax xun, laakiin bay tidhi “Imika, waxaanu u Mahad-celinaynaa Ilaahay, waayo? waxa jira horumar layaab leh, Dadkuna lama yaabayaan Kubadda ay Dumarka Ciyaarayaann.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka