Wafuud Tiro Badan Oo Ku Sii Qulqulaya Kismaayo

Kismaayo, (HCTV) – Wufuud tiro badan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ee xarunta maamul goboleedka Jubbaland, kuwaas oo la fiayo inay ka qeybgalaan munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Wufuudan u socdaalay magaalada Kismaayo ayaa waxa ka mid ah madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani, xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo ka tirsan Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya,  madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo ka soo dhoofay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Waxaana magaalada Kismaayo gaadhay laba diyaaradood oo siday xubnaha maanta u safray si ay uga qaybgalaan caleemo saarka, waxaana soo dhaweeyay Garoonka madaxweynaha caleemo saarkiisa loo diyaargaroobayo ee Axmed Madoobe.

Xubnahan u socdaalay magaaada Kismaayo ayaa timid kadib markii Dowladda Soomaaliya ay ka qaaday xayiraad ay hore u saartay in loo socdaalo Kismaayo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.