Raysal Wasaaraha Ethiopia Oo La Shaaciyey Inuu ku Guulaystay Biladda Nabadda Aduunka

Oslo, (HCTV) – Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa la sheegay inuu ku guulaystay Abaamarinta Nabadda Aduunka ee Nobel Peace Prize, taas oo uu ku Muttaystay Heshiiskii Nabadda ee la galay Eriterea iyo Cadaawaddii uu Soo Afjaray ee mudada dheer taagnayd.

Sidoo kale Abiy Axmed ayaa tan iyo mudadii uu xilka qabtay waxa uu dedaalo dheeraad ah ka sameeyey dhaqaalaha dalkiisa, siidaynta maxaabiis tiro badan oo siyaasada dalkiisa ugu xidhxidhnaa iyo sidii dalalka Jaarka ah ee ku nool mandaqada Bariga Afrika u heshiin lahaayeen xalna uga gaadhi lahaayeen khilaafyada dhexdooda ah.

Abiy Axmed ayaa loo magacaabay shakhsiga 100-daa ee ku guuleysta biladda abaal marinta nabadda ee Oslo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.