Agaasime Maxamed Ilka-Case Oo Ka Hadlay Aragtidiisa Ka Qaybgalka Caleemo Saarka Madaxweynaha Jubbaland

Kismaayo, (HCTV) – Agaasimihii hore ee Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Somaliland Maxamed Cilmi Ilkacase oo ka qayb galay munaasibadii  Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka hadlay aMunaasibada caleemo saarka iyo sida uu uga soo qaybgalayba.

Agaasime Maxamed Cilmi ayaa sheegay inuu magaalada Kismaayo uu u tagay shaqo gaar ah, isla markaana lagu soo casuumay xafladda Caleemo-saarka.

Waxaana tan iyo intii muuqaalka sawirka Agaasimaha hore lagu arkay warbaahinta uu sawirkiisu dhex xulayey baraha bulshada si weyna loo hadal hayey.

Agaasime Maxamed Cilmi Ilkacase oo la hadlay Telefishanka Caalamiga ah ee HCTV ayaa waxa uu yidhi “Anigu waxaan ahay Maxamed Cilmi, halkan shaqaan u imid kadibna waa la igu soo casuumay inaan kala soo qaybgalo caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Waan ka soo qaybgalay, shaqo gaar ah ayaan u imid, laakiin shacbiga reer Jubbaland waan ku hambalyeynayaa nabadgalyadooda, horumarka ay gaadheen iyo Madaxweynahooda ay dib u doorteen,” ayuu yidhi Agaasime Maxamed Cilmi Ilkacase, waxaanu intaasi ku daray “Waxaan hambalyeynayaa madaxda ka timid Somalia ee jabisay cunaqabataynta ay saartay maamul goboleedadeeda. Somaliland waa maamul ka madaxbanaan maamul goboleedada oo arinta wadahadalku Somaliland iyo Somalia ayuu noqonayaa guud ahaan.

Shacbiga Somalilandna waxa ay u muujiyeen shacbiga Jubbaland taageero xoog ah oo ah dulmiga dawladda federalka Somalia ay ku samaynayso dadkii ay xeerka wada-dhigteen.” Ayuu yidhi Agaasime Maxamed Ilka Case.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.