Somaliland: Dirawal Wasiir Oo Toogtay Qof Shacab Ah

Hargeysa (HCTV) – Warar ka imanaya Tuulada Dhubato oo ka tirsan Degmada Laasgeel ee Gobolka Maroodi-jeex ayaa sheegaya in Qof Shacab ah lagu toogtay halkaasi.

Sida Guddoomiyaha Degmada Dacar-budhuq uu u xaqiijiyey Wariye Xasan Galaydh oo ka tirsan bahda HCTV, Dirawalka Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ayaa toogtay Qof Shacab ah.

Lama Oga waxa ka dhexeeyay Dirawalka iyo Ninka uu toogtay, balse waxa la sheegay in Dirawalka Wasiirka waxbarashada Somaliland iyo Ninka la toogtay uu dhex maray muran, taasi oo aakhirkii sababtay in Dirawalku adeegsado rasaas.

Ninka la toogtay ayaa waxa soo gaadhay dhaawac sida uu Guddoomiyaha Dacar-budhuq sheegay, waxaana markaa ka dib loo qaaday Cisbitaal si Xaaladdiisa Caafimaad loola tacaalo.

Xilliga toogashadu dhacday waxa goobta ku sugnaa Wefti uu Wasiirka waxbarashadu hoggaaminayey, kuwaasi oo ku sii jeeday Magaalada Burco.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka