WADDANI Oo Hakiyey Xubin Uu U Soo Xushay Komiishanka Cusub Ee Doorashooyinka

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI  ayaa hakiyay xubintii ay dhawaan u xusheen in ay ku darsadaan guddida cusub ee doorashooyinka cusub.

WADDANI ayaa qoraal ay ku hakinayaan xubintooda u gudbiyay shir-guddoonka wakiillada sida uu sheegay guddoomiyaha wakiillada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax

WADDANI ayaa ka cabanaya xubnaha uu soo magacaabay Madaxweynaha Somaliland oo ay sheegeen in xisbiga Kulmiye ay ka tirsan yihiin.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Komiishanka Doorashooyinka cusub u soo Magacaabay Marwo Kaltuun oo ka mid ahayd Komiishanka Wakhtigiisu dhamaaday, Mustafe Dhawal iyo Cabdirashiid Riyo-raac.

Mustafe ayaa la sheegay inuu mar ahaa Xoghayaha Golaha Wasiirrada, halka Cabdirashiid Riyo-raacna uu Wasiiru-dawle ka soo noqday noqday Xukuumaddii Kulmiye ee uu hoggaaminayeyMadaxweyne Axmed-siilaanyo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka