Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Sheegay In 6-dii Bilood Ee Ugu Horeeyey Sanadkan Qaadka Ay Ku Baxday $190 Milyan

Hargeysa, (HCTV) – Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maaliyada Somaliland, Dr Sacad Cali Shire oo maanta soo xidhayey shir lagu lafagurayey Dhaqaalaha Somaliland iyo caqabadaha hortaagan in dhaqaalaha Somaliland kordho, ayaa waxa uu ka waramay caqabadaha hortaagan ama ku gadaaman guud ahaan dhaqaalaha .

Kulankan ayaa waxa ka soo qaybgalay aqoonyahanka Jaamacadaha dalka ayaa wasiirka Maaliyada Somaliland uu usoo jeediyey sidii looga gudbi lahaa caqabadaha haysta dhaqaalaha, waxaanu ku taliyey inay sameeyaan daraasado iyo waaxo qaabilsan daraasaadka cilmiga ah ee Jaamacadahaasi.

“Waxaan doonayaa runtii inaynu raad ka reebno kulankeena, hadii imika aan idhaa waad mahadsan tihiin ee macasalaama oo aynu halkaa ka baxno waxba maynaan soo kordhin, halkii ayuunbuu taagnaanayaa arinkii.

Markaa waxaan doonayaa in kulankeenan oo bilaw ah aynu ka faa’iidaysano si aynu u samaysano Forum joogto ah, in lagu dedaalo macaahid inoo qaabilsan xalilaada mashaakilka ina haysta oo jaamacad waliba ay miisaaniyadeeda ka goyso boqolkiiba toban, ama boqolkiiba labaatan, cilmi baadhis sidii loogu samayn lahaa maaliyada ama Wasaarada Tacliintuba inay miisaaniyada ku soo darsato kharashaad dhinaca cilmi baadhista ah (research), dabateedna la fulin karo,” Ayuu yidhi Wasiirka Maaliyada Somaliland waxaanu intaasi ku daray in Somaliland sanadkan 2019-ka ee lagu jiro ay kaga baxday qaadka lacag dhan 190 milyan oo dollar, taas oo dhiigbax ku ah buu yidhi dhaqaalaha dalka “Imika lixdii bilood ee ugu horeeyey ee sanadkan waxaynu soo iibsanay 19kg milyan oo kiiloo oo qaad ah sanadkan, hadaad toban dollar ku dhufato (19,000,000kgx$10=$190,000), mushkiladu maaha lacagta oo kaliya ee waa wakhtigii iyo caafimaadkii iyo dhaqankii,” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyada Somaliland.

HORN CABLE TV, 

WAAXDA ONLINE-KA.