Al-shabaab Oo Sheegatay Afar Qof Oo Ciidammada Amniga Soomaaliya Ka Mid Ahaa

Soomaaaliya (HCTV) – Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay Masuuliyadda Dilal Xalay ka dhacay Degmooyin ka mid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Xalay ayaa Magaalada Muqdisho lagu dilay Afar Ruux, kuwaasi oo la sheegay inay ka mid ahaayeen Ciidammada Nabad-sugidda Soomaaliya, waxayna Al-shabaab sheegtay inay fulisay Dilalka Dadkaasi oo ay sheegtay in saddex ka mid ahi ahaayeen Ciidammada Nabad-sugidda Soomaaliya oo Dhar cad ahaa.

War Qoraal ah oo Al-shabaab ku baahisay Internet-ka ayay ku sheegteen in Afar ruux oo saddex ka mid ah ay yihiin Nabad-Sugida dharcadka ay ku dileen degmada Waabaeri ee Magaalada Muqdisho.

Kooxdu waxay sheegtay inay saddexda Qof ee ay ku dileen degmada Waaberi ay ka qaaateen Hubkii ay siteen oo ahaa Baaskoolado.

Saddexda Qof ee Al-shabaab dilkooda sheegatay ayaa xilliga dilkoodu dhacay saarnaa Mooto.

Qofka Afraad ee Al-shabaab dilkiisa sheegatay ayaa ka mid ahaa Ciidammada Millateriga ee Soomaaliya.

Ninka Afraad ayaa ahaa Sarakaal Saddex Xidigle leh sida Al-shabaab sheegatay, waxayna Ninkaas Magaciisa ku sheegeen Maxamed Cismaan

Dawladda Soomaaliya iyo Laamaha Amniga ayaan weli ka hadal Dilalka Al-shabaab sheegatay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka