Somalia Oo Aqbashay Go’aanka Maxkamada ICJ Dib Ugu Dhigtay Dacwada Badda

Hague, (HCTV) – Raysal Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed Khadar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay aqbashay go’aanka maxkamadda ICJ ee dib u dhigista Dacwadda Badda, isla markaana uu noqdo mid kama dambeys ah.

Mahdi Maxamed, Raysal wasaare ku-xigeenka Somalia waxa uu intaasi ku daray in Dowladda Soomaaliya hore ay u diiday dalabka dowladda Kenya ka yimid oo ahaa in dib loo dhigo dhageysiga Dacwadda mudo sanad ah, balse markan ay soo dhaweynayaan dhinacooda in go’aankan uu noqdo mid kama danbeys ah oo ay Maxkamaddu qaadatay.

Maxkamada dambiyada Caaamiga ah ee ICJ ayaa maanta go’aamisey in dhigeysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya laga dhigo June 8- 12, 2020. Iyadoo go’aankeeda ku cadeeysey inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhigeysiga maxkmada. Go’aankaana u yahay mid kama dambeys ah.

Kenya ayaa labo jeer oo hore codsatay in dib loogu dhigo dhageysiga dacwadda Dowladda Soomaaliya-na waa ay biyo diiday, balse Maxkamada ayaa labadaa jeerba dib u dhigtay, inkastoo uu u muuqdo in go’aankan danbe uu noqonayo mid kama dambeys ah oo marka la gaaro bisha June la guda-gali doono dacwada iyo dhageysigeeda.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.