Afghanistan: Qarax Lala Beegsaday Masaajid Oo Ay Ku Dhinteen 62 Qof

Nagarham, (HCTV) – Ugu yaraan 62 qof ayaa ku dhintay, halka boqol qof in ka badana ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax xoogan ala beegsaday masaajid ku yaala gobolka Nagarham ee daka Afghanistan, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dawladda dalkaasi.

Attaullah Khogyani, oo ah afhayeen u hadlay badhasaabka gobolka, ayaa sheegay in ugu yaraan 62 qof ay ku dhinteen qarax gilgilay dhismaha basaajid ku yaalay bariga gobolkaasi oo ay ku cibaadaysanayeen dad tiro badan salaadii Jimcaha.

Sohrab Qaderi, oo xubin ka ah golaha deegaanka gobolkaasi Nangarhar, ayaa u sheegay wakaaada wararka ee Reuters oo uu warkan ka soo xigtay Telefishanka HCTV in tiro ka badan 100 qof ay ku dhaawacmeen dhacdadaasi halka tirada dhimashadu ay marba marka ka sii dambaysa ay sii kordhayso.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.