Dibadbax Lagu Dalbanayo In Talisku Talada Ka Tago Oo Ka Socda Lebanon

Beirut, (HCTV) – Dibadbaxyo balaadhan ayaa ka socda guud ahaan dalka  Lebanon maanta oo Jimce ah, kaas oo kumanaan dadweyne ahi ay ku dalbanayaan in taliska xukuma dalkaasi uu xilka baneeyo.

Dibadbaxan oo socda maalintii ayaa dadka dibadbaxayaa waxay wadooyinka ku gubayaan Taayiro, iyagoo sidoo kalena bartilmaameedsaday goobaha dawlada. Waxaanu dibadbaxani salka auu ku hayaa dhibaato dhaqaale oo dalkaasi ka jira.

Dibadaxyadan ayaa ah kuwii ugu balaadhnaa ee mudo sanad laga joogo ka dhaca dalkaasi, waxaana wadooyinka isugu soo baxay kumanaan cadhaysan.

Dhinaca kale ciidamada amaanka ee Booliska ayaa u adeegsanaya dibadbaxayaasha sunta dadka ka ilmaysiisa ee loo yaqaano (Tear gas-ta).

Raysal Wasaaraha dalka Lebanon a Sacad al-Hariri ayaa hakiyey ama joojiyey kulan ay golaha Wasiiradu yeelan lahaayeen maanta oo Jimce ah kaas oo lagu gorfaynayey miisaaniyada qabyo qoraalka ah ee 2020-ka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.