Hargeysa: Qalab Lagu Wareejiyey Dad Markay Ka Bogsadeen Xanuunnada Dhimirka, La Baray Xirfado Ay Ku shaqaystaan

Hargeysa (HCTV) – Munaasibad lagu qabtay Xarunta SAHAN ee lagu dabiibo, laguna daryeelo Dadka qaba Xanuunnada Dhimirka ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa Makiinnadaha Dharka lagu tolo iyo Kabo waxa lagu guddoonsiiyey 13 Qof oo ka Qalin-jebiyey Xirfadda Dawaarka oo markii ay Caafimaadeen halkaa lagu baray.

Makiinnadaha Dawaarka ee lagu wareejiyey 13-ka Qof oo Xirfadda Dawaarka la baray markii ay ku Caafimaadeen Xarunta SAHAN, si ay ugu shaqaystaan, ayaa waxa Munaasibadda Qalabkan lagu wareejiyey ka qayb-galay Waalidiinta Ardayda Qalin-jebiyey oo ahaa Dufcaddii 10-aad ee ka Xirfadda Dawaarka la baray markii ay Caafimaadeen, Maamulka Xarunta SAHAN iyo Marti-sharaf kale.

Ugu horrayn, Maamulka Xarunta SAHAN ayaa Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada, Marwo Hinda Gaani oo Makiinadaha soo gaadhsiisay u Mahad-celiyey.

Guddoomiyaha Xarunta SAHAN, Bashiir Maxamed Jaamac oo u Mahad-celinaya Wasiirka Shaqo-gelinta ayaa yidhi “13-kii Arday ee ugu horreeyay ee halkan ka baxay ayaa Qalabkoodii, Kabahoodii ayaa halkan yaalla, Qalabkan markay ugu yar tahay Qofka waxa ugu shaqaynaya Qoyskiisa, markaa Wasaaraddu waxay kala dagaalantay Faqrigii iyo Shaqo la’aantii, Annaga Taageero Maskaxeed ayay noo tahay, markaa Wasiir Hinda Gaani aad iyo aad ayay ugu Mahadsan tahay..”

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska Hinda Xirsi Gaani, ayaa iyaduna sheegtay “Runtii waxaanu agaasinka iyo maamulka Sahan heshiis ku nahay qofkii u baahan in wax u qabto in aanu xaruntan keeno, aadbaan ugaga mahad celinayaa maamulka iyo aasaaseyaashaba, tanina waa mid ka mid ah shaqadii aanu qaranka u haynay” ayey tidhi Wasiir Gaani oo ku wareejisay maamulka xaruntan qalab dhamaystiran oo ay ku shaqo tegayaan 13 Arday ee ahaa dufcaddii 10aad ee Xarunta SAHAN lagu baray Xirfadaha Dawaarku ka mid tahay.

Dhanka kale, Munaasibadda Qalabkan lagu wareejiyey 13-ka Qof ee Xirfadda Dawaarka la baray ayaa ugu horrayn ka hadlay Agaasimaha Xarunta SAHAN, Kayse Xasan Cumar waxaanu yidhi “13-kii Qof ee halkan ka baxay waxa Makiinadaha Dawaarka ee halkan yaalla waxa ugu deeqay Wasaaradda Shaqo-gelinta oo ay hormood u yihiin Wasiir Hinda Gaani iyo Agaasime Cabdirashiid, markaa Makiinadaha Dawaarka ee halkan yaalla waa inuu Qof walba tiisa qaato oo uu ku shaqo tago oo uu noloshiisa ku debbaro.”

Agaasime Kayse wuxuu la dardaarmay Waalidiinta Ardayda Makiinadaha Dawaarka la guddoonsiiyey “Waalidiinta waxaan leeyahay, Qalabkaa la idin siiyey waa inaad fulisaan Ujeeddadii laga lahaa oo ah in Qofku ku shaqaysto.” ayuu yidhi.

Madaxa Xanuunnada Dhimirka ee Somaliland, Dr. Yacquub, waxaanu yidhi “Waa Ducfaddii Tobnaad ee ka qalin-jebisa Xarunta SAHAN, waxa la doonayaa in Qof walba uu halkii uu ka yimid ku noqdo, noloshiisii bilaabo, arrintani waxay caddayn u tahay Cudurrada Maanka laga bogsan karo..”

Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ah Culimada Somaliland oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa u Mahad-celiyey Maamulka Xarunta SAHAN, hawl-wadeennada iyo Dadka ka fikira Horumarinta Xarunta SAHAN.

Ka sakow, Qalabkaasi waxa Wasiir Hinda Gaani Xarunta SAHAN ku wareejisay 10 Neef oo Adhi ah oo ay ugu talo-gashay Dadka Qaba xanuunnada dhimirka ee halkaa lagu daryeelo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka