Madaxweyne Biixi Oo Ka Qayb-galay Aaska Marxuum OBSI

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta qayb-galay aas qaran oo loo sameeyey Marxuum Cabdilaahi Cige Muuse (Obsi) oo lagu aasay Xabaalaha Sheekh Nuur ee Barriga Hargeysa ka dib markii lagaga tukaday salaadda jinaasada masjidka tabliiqiyiinta ee Hargeysa.

Waxaana Aaska Marxuumka ka soo qayb-galay haldoorka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhamaantood ka markhaati kacay shaqsiyadii wanaagsanayd ee uu lahaa marxuumku, taariikhdii iyo geesinimadii aanu la gaban jirin wakhtigii adkaa ee shacbiga Somaliland Soo Maray.

Marxuumka oo ka mid ahaa ururkii dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM ayaa waxa Taariikhdiisa ka warramay Mujaahidiintii SNM ee ay aqoonta gaarka ah isku lahaayeen, waxaana Tacsi u diray Hal-doorka Bulshada Somaliland, sida Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo aaska ka qayb-galay.

Madaxweynaha iyo Dadka kale ee Aaska ka qayb-galay ayaa Marxuumka Allaah uga baryey inuu u dambi dhaafo oo Janooyinkiisa ka warraabiyo, ehelkiisiina samir iyo iimaan ka siiyo.

 

Horn Cable Tv 

Waaxda ONLINE-ka