Itoobiya: Waddo Muhiim Ah Oo Isku Xidha Jigjiga Iyo Goday Oo Go’day

Jigjiga (HCTV) – Boqollaal Gaadiid ah ayaa ku xaniban Jidka u dhexeeya Magaalooyinka Goday illaa Jigjiga, ka dib markii uu go’ay Biriij halkaasi ku yaallay.

Biriijka ayaa waxa jaray Daadad waaweyn oo ka dhashay Roobab Maalmihii u dambeeyay ka da’ayay deegaannada Soomaalida ee Itoobiya, taasina waxay keentay in dhammaan gaadiidkii iskaga kala gooshayey Jigjiga illaa goday ay xanibmaan.

Gaadiid isugu jira Basaska Dadka Rakaabka ah qaada, Gaadiidka Xamuulka culus u kala gudbiya Magaalooyinka uu maro Jidka dheer ee Jigjiga iyo Goday isku xidha ayaa ku xaniban dhinacyada Biriijka go’ay, waxayna sugayaan in la helo Xal ay kaga gudbaan.

Masuuliyiin ka mid ah Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in Hay’adda Dawladda Federaalka Itoobiya u qaabilsan Jidadku ay ka soo ambo-baxeen dhinaca Addis Ababa si ay uga hawl-galaan inay hagaajiyaan Biriijkaasi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka