Natiijada Baadhis Guddiga Joogtada Ah Ee Wakiilladu Ku Sameeyeen Xeer Muran Ka Dhex Abuuray Dalka

Hargeysa (HCTV) – Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Maanta War-bixin siiyey gole-weynaha ayaa sheegay inay baadhitaan ku sameeyeen Xeerka cusub ee Wasaaradda Waxbarashadu u samaysay inay ku maamusho Waxbarashada, waxayna Guddigu sheegeen In Xeerkaasi meelo  ka mid ahi uu khilaafsan yahay Xeerka guud ee Waxbarashada.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland, Xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale oo War-bixinta Guddiga joogtada u bandhigay Gole-weynaha Wakiillada ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya la taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiillada ay ogaadeen in Xeerka cusub ee Wasaaradda Waxbarashadu khilaafsan yahay Xeerka guud ee Waxbarashada Somaliland.

Xildhibaanka oo Arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi “Guddi ahaan waxaanu eegnay Xeerka ay dugsiyada Waxbarashada ee gaarka ahi ka cabanayeen, waxaanu helnay in xeerkaasi uu qodobbo badan ku khilaafsan yahay xeerka Waxbarashada Xeer Lr 77, wixii laga cabanayey oo dhana waxaanu u gudbinay Shir-guddoonka Golaha Wakiilada…”

Golaha Guurtida ayaa iyaguna hore sidan oo kale u sheegay in Xeerkaasi khaldan yahay, ka dib markii Maamuleyaasha Dugsiga gaarka loo leeyahay u gudbiyeen Cabasho la xidhiidha deeq Waxbarasho oo dhan 400 Arday oo Dawladda Itoobiya siisay Somaliland isla-markaana Dawladdu ku koobtay Ardayda dugsiyada Dawladda.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka