Awdal: Nin Meyd Ah Oo Laga Helay Seeraha Boorama

Boorama (HCTV) – Nin Meyd ayaa gubtay ayaa laga helay badhtamaha Seeraha Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.

Ninkan ayaan weli la aqoonsan wejigiisa, Magaciisa iyo Sababta Geeridiisa, sida uu soo sheegayo Weriyaha Telefiishanka HCTV ee Magaalada Boorama, Cabdalle Cali Yuusuf.

Ciidammada Dambi-baadhista ee Booliska oo gaadhay goobta Meydka laga helay ayaa Meydka geeyay Qolka Meydka la dhigo ee Cisbitaalka Magaalada Boorama.

Taliye ku-xigeenka Booliska Gobolka Awdal oo Telefiishanka HCTV la xidhiidhay si uu arrintan wax uga waydiiyo ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo, laakiin wuxuu sheegay in Meydka ninkan ay soo sheegeen Haween Caano u iib keenay Magaalada Boorama, dushiisana ay ka muuqato Dab, laakiin aan illaa hadda la garanayn inuu is gubay iyo in la gubay.

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka