Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Xubno Wasiirro Cusub

Garoowe, (HCTV) – Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Wasiiru-dowlayaal iyo Wasiir ku-xigeenno, sida lagu sheegay Qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, kaas oo u dhignaa sidan:-

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad farqadiisa 5aad.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Puntland oo aqoon, karti iyo waaya aragnimo uleh xilalka loo igmaday.

Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Wuxuu xeeriyey:

Magacaabidda Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, waxayna kala yihiin:

Wasiiru-Dowleyaal:

  1. Waxaa Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
  2. Waxaa Maxamed Xasan Ciise loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha.
  3. Waxaa Axmed Shire Siciid loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
  4. Waxaa Fardowso Cismaan Cigaal loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
  5. Wasiir Ku-xigeeno :
  6. Waxaa Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta
  7. Waxaa Bashiir Jaamac Maxamed loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
  8. Waxaa Cabdicasiis Maxamuud Macallin loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
  9. Waxaa Sucaad Saalax Nuur loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada.

Sidoo kale madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland ayaa u magacaabay guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed halka guddoomiyaha gobolka Gartafuulna uu u magacaabay Muuse Saalax Guulleed.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.