Soomaaliya: Dooni Ay Wateen Ciidammo Kuwa Dawladda Ah Oo Qaranqantay

Marka (HCTV) – Ciidammo ka mid ah kuwa Dawladda Soomaaliya ayaa Dooni kula degtay inta u dhaxaysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Marka ee Shabeellaha Hoose.

Askartan oo la sheegay ay ka tirsanaayeen qaybta 14 October oo ka tagay magaalada Muqdisho ayaa doonayay in ay Doon ku gaadhaan magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, laakiin intii ayna gaadhin ayaa waxa sida la sheegay la degtay Doontii ay la socdeen.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in illaa 5 Askari lagu la ‘yahay Badda, halka la soo badbaadiyay taliyihii watay ciidanka oo magaciisa lagu sheegay Xidigle Cismaan Muuse iyo 12 Askari oo kale.

Doontan ayaa Xalay degtay, waxaana weli socda hawl-gal lagu baadi goobayo Askarta maqan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka