“Madaxweyne Muuse, Wuxuu Ku Mashquulsan Yahay Dhul Boob..” Cirro

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa eedaymo badan u jeediyey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay muranka cusub ee ka taagan dhismaha Komiishanka cusub ee doorashada, waxaanu ka warramay waxyaabaha ku kelifay inay hakiyaan xubintii ay Komiishanka cusub u soo xuleen, mowqifkooda la xidhiidha xubno loo tirinayo Xisbiga KULMIYE oo Madaxweynuhu u soo xulay Komiishanka cusub ee dhismihiisu socdo.

Guddoomiye Cirro oo arrimahaa faahfaahinaya ayaa hadalkiisii waxa ka mid ahaa “27-kii July, 2019 waxay Shacabka Somaliland u ahayd Maalin Farxadeed, Waayo? Maalintaa waxa Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ay Asxaabta iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ay kala saxeexdeen, heshiiskaas oo ay ku dhexdhexaadiyeen Beesha Caalamku, Nuxurka heshiisku wuxuu ahaa in la soo afjaro murankii Komiishanka iyo Arrimaha doorashada oo socday muddo sannad iyo badh ah , waxaanu heshiisku ahaa in la dhiso Komiishan cusub, lana beddelo Komiishankii hore, Baarlamaankana la horgeeyo Mooshin Xubnaha Komiishanka ka dhigaya 9 xubnood, Shacabka waxa gashay Rejo weyn iyo Nayaayir in murankii Komiishanku dhamaaday, lana qaaday Dariiqii Doorashada, hase-yeeshee waxa Shacabku ka dheragsan yahay in Muuse uu Jid-gooyo u galay Mooshinkii, siduu awalba caanka ugu ahaa Jid-gooyooyinka, jid-gooyadaana uu ku dhintay Mooshinkii ku socday Baarlamaanku, isagoon gaadhin halkii uu ku socday, haddana Xisbiyada Qaranku iyagoo tixgelinaya in doorashooyinku qabsoomaan, waxay wada tashi dheer ka dib ogolaadeen inay doorashada ku galaan 7 Xubnood oo cusub oo komiishan ah.”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay “Iyadoo Heshiiskaa laga duulayo wuxuu Muuse uu 28-kii bishii 8-aad, 2019 uu Asxaabta iyo Golaha Guurtida u soo qoray warqad uu kaga codsanayo inay soo Magacaabaan xubnihii Komiishanka csub ee beddelaya Komiishanka Muddo xileedkiisu dhamaanayo. Axsaabtu iyagoo tixgelinaya Heshiiskaas waxay soo magacaabeen xubno cusub, Guurtidu waxay soo Magacaabeen 2 xubnood oo cusub, Xisbiyada WADDANI iyo UCID-na waxay soo Magacaabeen min xubin cusub. Nasiib-darro Madaxweyne Muuse isagoo jebinaya heshiiskii wuxuu soo Magacaabay xubin ka mid ah xubnihii uu muranku ka taagnaa ee Komiishankii hore ee lagu heshiiyey in lagu beddelo, waxa kale oo uu Muuse soo Magacaabay xubin Xisbigiisa ah oo aanay isku khilaafsanayn Asxaabta iyo Shacabka iyo Beesha Caalamku inaanu ahayn Xubin buuxinaysa Shuruudihii Xeerka 20/2001, taasi oo xeer jebin ku ah Xeerkaa aan soo sheegay…”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Xisbiyada UCID iyo WADDANI wuxuu mid kastaa si gaar ah Qoraal ugu diray daneeyayaasha Doorashooyinka iyagoo caddaynaya in aanay aqbalayn xubin Xeerku tilmaamayo inaan lagu darin Komiishanka, Xisbiga WADDANI-na inaanu mar labaad caqbalaynin in xubin komiishankii hore ah loo soo Magacaabo Komiishanka cusub. Waxaan u sheegayaa Shacabka Somaliland oo aad u danaynaysa inay doorashooyinku inoo qabsoomaan ay isku dayaan inay baajiyaan in khilaaf cusub uu abuurmo, waxay u tageen Muuse, waxay kala hadleen Xubnaha khilaafsan heshiiska, hase-yeeshee waxay Shala Galab kala noqdeen Gacmo madhan, taasoo dib inoogu celinaysa Murankii aynu u qaadanay inaynu xalliley, arrintaas oo wer-wer weyn ku abuuraysa Shacabka Somaliland ee horumarka dalkooda iyo Nabaddiisa jecel iyo Saaxiibbada aynu ku leenahay beesha Caalamka ee jecel hirgelinta Dimuqraadiyadda Somaliland, tacabka badana geliyey xaqiijinteeda, waxayna abuuraysa Sawir fool-xun oo wiiqaya Magaca wanaagsan ee aynu ku leenahay Geeska.”

Guddoomiyaha WADDANI waxa kale oo uu caddeeyay mowqifka Xisbigiisa “Mowqifka Xisbiga WADDANI waxaanu ku caddaynay Warqaddii aanu 14-kii bisha u qornay Muuse, ogaysiiskana aanu siinay dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka, mawifkaas oo ah in Xisbigu si cad u diiday falalka kala ah heshiis burinta iyo xeer-jebinta ee uu ku kacay Muuse, isagoo ah kii loo dhaariyey ilaalintooda, waxaanu xisbigu hakiyey xubintii uu Komiishanka cusub u Magacaabay, illaa Muuse saxayo gefafka badheedhka ah ee uu kala kacay heshiiska Xisbiyada iyo Xeerarka Qaranka. Xisbiga WADDANI waxa u caddaatay marka uu arkay tallaabooyinka uu qaadayo Muuse in isaga iyo Xukuumaddiisu aanay diyaar u ahayn inay dalkan doorasho ka qabtaan oo ay gutaan Waajibaadka Dastuurku farayo.”

Guddoomiyaha WADDANI waxa kale oo uu Madaxweynaha u jeediyey eedaymo calculus “Madaxweyne Muuse iyadoo ay dayacan yihiin xilalkii loo Igmaday, ayaa waxa Maalin walba soo baxaysa inuu ku mashquulsan yahay Ganacsi gaar ah iyo dhul boob ay isku haystaan Dadka Shacabka ah..”

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka