Somaliland: Laba Sarkaal Oo Ka Tirsan Ciidanka Dabdemiska Oo Shil Ku Geeriyooday

Hargeysa, (HCTV) – Laba sarkaal oo ka tirsan ciidamada Dabdamiska Somaliland ayaa ku geeriyooday shil gaadhi oo ka dhacay Duleedka bari ee magaalada Hargeysa.

Waxaana sidoo kale shilkan gaadhi ku dhaawacmay Saddex Askari oo kale, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha ciidamaa Dabdamiska Somaliland, Axmed Sawaaxili.

Ciidamadan shilka gaadhi ku geeriyooday ayaa ku sii jeeday magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil marki Gaadhi ay wateen uu la dhacay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.