Xukuumada Somaliland Oo WADDANI Ku Eedaysay Inuu Xagal Daac Ku Hayo Doorashooyinka

Hargeysa, (HCTV) – Afhayeenka madaxweynaha Somaliland,  Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa ka hadlay dhawaaq kasoo yeedhay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kaas oo salka ku hayey eedo uu u jeediyey madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Afhayeen Maxamuud Warsame Jaamac oo maanta saxaafadda la hadlay, ayaa eedaha uu soo jeediyey guddoomiyaha WADDANI ku tilmaamay kuwo aan sal lahayn, islamarkaana uu kaga gabbanayo xagal-daaca iyo dibin-daabyada uu xisbigaasi ku hayo qabsoomidda doorashooyinka dalka kusoo foolka leh ee madaxweynaha iyo xukuumaddiisu ku foogan tahay qabashadeeda, isaga oo ku eedeeyey guddoomiyaha WADDANI inuu shuruucda xulista xubnaha Komishanka doorashooyinka iska indho tirayo, waxana uu yidhi, “Nuxurka hadalkii guddoomiye Cirro waxa uu daarranaa ka-maagis uu guddoomiyuhu ka maagayo in dalka ay doorasho ka qabsoonto iyo in doorashooyinku ay socdaan, marka koowaad sharciga iyo arrimaha doorashada ayuu aad ugu dheeraaday, dooddiisa doorashaduna waxa ay ahayd mid aad u jaban, sababtoo ah xeerka doorashada Xeer No/20/2001, qodobkiisa 13-aad waxa uu si cad u qeexayaa shuruudaha iyo waddada loo marayo xulista xubnaha Komishanka, guddoomiyuhuna wuu yaqaannaa, laakiin wuu iska indho tirayaa.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu caddeeyey in madaxweynaha iyo xukuumaddiisu mar walba diyaar u yihiin inay doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigoodii oo aanay baaqannin,“Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa ka go’an oo ay geed dheer iyo mid gaabanba ugu taagan tahay in doorashadii xilligeedii lagu galo oo ay inoo dhacdo oo ay qabsoonto oo aanay inaga baaqan, shacabka Somaliland-na waxa ay diyaar u yihiin inay doorashooyinka galaan, dawladduna waxa ay dedaal cad ugu jirtaa diyaarinta doorashooyinka,” ayuu yidhi Afhayeen Maxamuud Warsame Jaamac.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.