Sucuudiga: Boqor Salmaan Oo Markii 3-Aad Beddelay Wasiirka Arrimaha Dibedda, 2018,2019

Riyadh (HCTV) – Isku-shaandhayn ayaa lagu sameeyay Masuuliyiinta boqortooyada Sucuudiga, waxaana Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha dibedda loo Magacaabay Amiir khibrad u leh Dalalka Reer Galbeedka, sida ay sheegayso Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Amiir Faisal bin Farhan Al Saud oo hore u ahaa Safiirka Sucuudiga u jooga Jarmalka, horena la Taliye ugu ahaa Safiirka Sucuudiga ee Maraykanka, ayaa loo Magacaabay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Sucuudiga.

Boqor Salmaan ayaa Wasiirka cusub ee Arrimaha dibedda Magacaabay, ka dib markii 10 bilood ka hor uu ka qaaday xilkii Safiirnimo ee uu ku joogay Dalka Jarmalka.

Sucuudiga oo ah xulafada ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay Khaliijka Carabta, xilli uu loolan ka dhexeeyo IRAN ayaa Dalalka reer Galbeedku ku eedeeyaan inaanu ilaalin Xuquuqda aadamaha, taasi oo keentay in Boqor Salmaan ka fikiro sidii loo beddeli lahaa Sawirkaa laga haysto Sucuudiga.

Wasiirka cusub ee Arrimaha dibedda ayaa xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi Ibrahim al-Assaf, kaasi oo isaga loo Magacaabay Wasiirro-dawle.

Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda ee Xilka Laga qaaday isla-markaana loo Magacaabay Wasiirro-dawlaha ayaa isagu sannadkii 2018-kii xilka kala wareegay Adel al-Jubeir.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka