Somalia: Tobanaan Kun Oo Qoys Oo Fatahaado Ay Barakiciyeen

Gobolka Hiiraan, (HCTV) – Dad tiradooda lagu qiyaasay 140,000 qof – oo ay ku jiraan 70,000 caruur ah – oo ku sugan gobolka Hiiraan ee Somalia ayaa waxa ku dhuftay fatahaado, kuwaas oo fatahaado sii kordhayaa ay ku khasbeen inay uga cararaan dhuka sare, isla markaana ay si aad ah ugu baaqdaan biyo nadiif ah, cunto iyo meelo ay u hoydaan, sida ay sheegtay hay’adda Save the Children oo digniin soo saartay.

Tiro ka badan 300,000 qof – oo ay ku jiraan ku dhawaad 150,000 caruur ah – oo ku sugan magaalada Beledweyn iyo meelaha ku xeeran gobolka Hiraan ee Somalia ayay khasab ku tahay inay meelo kale uga guuraan maalmaha soo socda, waxaanay saadaalaha ku saabsan heerka biyaha iyo wararka ka soo baxaya deegaamadu ay tilmaamayaan in Wabiga Shabeelle uu sababo fatahaado daran oo uu qarqarada jabsado.

Hay’adda Save the Children waxay sheegtay in iyada oo kaashanaysa dawadda Somalia ay gacan ka gaysanayaan bulshada fatahaaduhu saameeyeen iyo in ay beesha caalamka ugu baaqayso inay soo fasaxaan gargaar lagu taakuleeyo caruurta iyo qoyasaska barakacay.

Sidoo kale Save the Children waxa ay ku baaqday in oo baahan yahay adeegyada caafimaadka ee guurguura si loo maamulo cudurada la fili karo inay faafaan oo ka dhasha fatahaadaha.

Sida uu sheegay Maxamuud Maxamed Xasan, oo ah Agaasimaha hay’adda Save the Children ee Somalia.

“Hadii Wabiga Shabeelle uu gabiyada jabsado, waxay dhibaato gaadhsiin kartaa caruurta iyo qoysaskooda markoodii horeba la halgamayey dhibaato cunto yaraaneed. Waxaana hareeraha wabiga ku nool kumanaan dad ah oo jilicsan oo mar horeba cararay, waxaanu walaac xoogleh ka qabnaa daryeelka dadka kumanaanka ka badan ee ilaa iyo hada barakacaya.” Ayuu yidhi Madaxa hay’adda Save the Children ee Somalia.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.