Warbaahinta Maraykanka Oo Sheegaya In Hoggaamiyihii Daacish Is-dilay

Suuriya (HCTV) – Hoggaamiyaha kooxda Dawladda Islaamka ama DAACISH, Abu Bakr Al Baghdadi ayaa Ciidammada gaarka ah ee Maraykanku ku bar-tilmaameedsadeen Waqooyi-galbeed Suuriya, Sida Sabtidii ay Baahisay Warbaahinta Maraykanku.

Sarkaal ka mid ah Millateriga Maraykanka ayaa Telefiishanka CNN u sheegay in la bartilmaameedsaday Abu Bakr Al Baghdadi, isla-markaana duqaymo la beegsadeen Goob uu ku sugnaa.

Sidaasi si la mid ah, ayaa Warbaahinaha kala ah Newsweek iyo Fox News ayaa soo weriyey in Ciidammada Maraykanku bartilmaameedsadeen Baqdaadi, iyagoo soo xiganaya Ilo-wareedyo Ciidammada Millateriga ah.

Inta aanu soo bixin Warka sheegaya Bartilmaameedsiga Ciidammada Maraykanka ee Hoggaamiyaha Daacish, Subaxdii hore ee Axadda Maanta ayuu Madaxweynaha Maraykanku wuxuu Twitter-kiisa ku sheegay hadal Macnihiisu ahaa ‘Wax aad u weyn baa hadda dhacay’

Intaas ka dibna, ku-xigeenka xoghayaha Saxaafadda ee Aqalka cad Hogan Gidley, ayaa sheegtay in Madaxweyne Doland Trump uu door-bidayo inuu qabto Shir-jaraa’id oo la xidhiidha beegsiga Ciidammada Maraykanka Suuriya ee Hoggaamiyaha Daacish.

Lama Sheegin in Ciidammada Maraykanku weerarka ku dileen Al-baqdaadi, balse Warbaahinta Maraykanka qaarkood ayaa sheegaya in laga yaabo inuu isagu is-dilay ama is khaarajiyey, warka ah inuu Al-baqdaadi is dilay ayaa Warbaahinta Maraykanka qaarkood ka soo xiganayaan Saraakiisha Millateriga.

La Soco Warkan oo dhan iyo Wixii ka soo kordha.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka