“Riyo-raac, Kama Mid Aha Golaha Dhexe Ee Kulmiye…” Kulmiye

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa sheegay inaanu Siyaasiga Cabdirashiid Riyo-raac ka mid ahayn Golaha dhexe ee Xisbigaasi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa Toddobaadkii hore wuxuu Cabdirashiid Riyo-raac ku daray Xubnaha uu u soo xulay Komiishanka cusub ee Doorashooyinka, laakiin Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI ka mid yahay ayaa sheegay in Cabdirashiid Riyo-raac ka mid noqon karin Komiishanka, maaddaama bay yidhaahdeen uu ka mid yahay Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, sidaasna aanu Sharcigu ogolayn, laakiin Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa  (Wedka) oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Siyaasiga Cabdirashiid Riyo-raac aanu xilligan ka mid ahayn Golaha dhexe ee KULMIYE.

Guddoomiye Wedka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Annaga oo ah Guddiga fulinta ee Xisbiga KULMIYE, waxaanu doonaynaa inaanu Caddayno inaanu Cabdirashiid Riyo-raac ku jirin Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE.”

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee KULMIYE oo Sharraxaya sababta aanu Riyo-raac uga mid ahayn Golaha dhexe ee KULMIYE, wuxuu yidhi “Shalay illaa Xalay waxay Saxaafadda soo dhigayeen (WADDANI) Sawir gole dhexe oo hore. Golaha dhexe ee KULMIYE laba nooc ayaa loo galaa, nooc waa golaha dhexe ee Degaamada, nooca labaadna waxa la yidhaahdaa ‘Xubin Sharaf’ oo waxay ka yimaaddaan Golaha Wasiirrada iyo Golaha Wakiillada, Xubintu markay Golaha Wasiirrada ka mid noqdo wuxuu si rasmiya uga mid noqonayaan Golaha dhexe, marka uu xilkaa (Wasiirnimo ama Xildhibaannimo) waayana si rasmiya ayuu uga baxayaa Golaha dhexe ee KULMIYE, markaa Cabdirashiid Riyo-raac 2014-kii ayuu Golaha dhexe ku soo galay Wasiiru-dawle, laakiin Golaha dhexe ee cusub ee aanu Shirkiisii bishii March ee 2019 aanu ku qabanay Boorama kuma jiro.” ayuu yidhi.

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka