Akhri: 18 Qof Oo Dhintay, 865 Dhaawacmay Iyo Wararkii U Dambeeyay

Karbaa (HCTV) – Ugu yaraan 18 Qof ayaa ku dhintay, 865 kalena way ku dhaawacmeen Magaalada Karbala ee Shiicadu Aaminsan tahay inay baraykansan tahay, ka dib markii Ciidammada Amnigu ay Rasaas ku fureen Mudaharaad halkaa ka socday.

Ciidammada kala duwan ee Amniga Ciraaq oo soo gaadhay Goobta Mudaharaadku ka socday oo dibedda ka ahayd Goobta ay ku yaallaan xarumaha Dawladda ayaa waxay Dadka ku rideen Rasaas nool, taasina waxay keentay inay Geeriyoodaan 18 Qof, Boqollaal kalena dhaawacmaan.

Qof Magaciisa lagu soo koobay Samir ayaa Wargeyska The National u sheegay siday wax u dhaceen “Ciidanka oo Baabuurtooda fuushani waxay ku rideen Rasaas toos ah (Mudaharaadayaasha)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Siday sidaa u yeeli karaan..”

Ninkani wuxuu sheegay in illaa Xalay lala raadinayey Xadhig, Rasaasna laga maqlayey Magaalada Karbala, laakiin Saakana Ardayda Magaaladu ay diyaar u yihiin inay sii wadaan Mudaharaadka ay kaga soo horjeedaan Dawladda Ciraaq.

Mudaharaadka Dadku ku dhinteen ee ka dhacay Karbala ayaa qayb ka ah Mudaharaaddo waaweyn oo Jimcihii dib uga qarxay Magaalooyin Baqdaad ka mid tahay, kuwaasi oo lagu dalbanayo inay is-casisho Xukuumadda Ciraaq.

Mudaharaadeyaasha ayaa markii hore ka cabanayey shaqo la’aan, Adeegyo Xumada Xarumaha Dawladda iyo Musuqmaasuq, laakiin hadda wuxuu u muuqdaa inuu weji kale yeeshay oo Dadka Dibed-baxyada wadaa waxay u badan yihiin Dadka aaminsan Mad-habka Shiicada.

 

Cabdiqaadir A. Carab

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka