WADDANI Ma Qaadi Karaa Masuuliyadda Wixii Ka Yimaadda Kacdoon Shacabku Sameeyo ? (Akhri)

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu hoggaamiyo Kacdoon Shacabku kaga soo horjeedaan Xukuumadda haysa Talada Somaliland.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi oo lagu waraystay Barnaamijka Hal-adayg ee Telefiishanka HCTV ayaa sheegay in xilligan Somaliland ay ka jirto xaalad Adag oo dhanka nolosha ah iyo mid dhanka Maamulka ah, sidaasi darteed uu Xisbigu diyaar u yahay inuu hoggaamiyo Kacdoon dadweynuhu arrimahaas oo dhan kaga soo horjeedaan.

Xoghayaha WADDANI oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waddankeena dhibaatooyin waaweyn ayaa ka jira, Dadku waxay khaati ka joogaan Nidaamka Maamul ee maata jira iyo Habka Dawladnimadeenu u socoto, markaa Xisbigu wuxuu diyaar u yahay inuu Kacdoon Shacab hoggaamiyo. Kacdoonkaa Shacabkuna wuu bisil yahay, waana diyaar, Xisbiguna waa u diyaar inuu Kacdoon Shacab hoggaamiyo, oo haddii Xukuumaddu Shuruucda iyo Qawaaniinta ku joogi waydo la yidhaahdo ‘Maya’…”

Xoghayaha oo Telefiishanka HCTV waydiiyey in Xisbiga WADDANI qaadi karo Masuuliyadda wixii khasaare ah ama dhib ah ee ka yimaadda Kacdoonku uu sheegay in Shacabku u bisil yahay inay dhigaan, ayaa ku jawaabay “Masuuliyaddeeda waxaanu qaadaynaa inta aanu ku leenahay, Dadku markay soo baxaan ee ay halkaa soo istaagaan, Askariga Xabadda ku rida ayaa Masuuliyaddooda qaadaya iyo ka amarka soo siiya ayaa qaadaya Masuuliyadda wixii ka yimaadda, Dadkuna Xaq bay leeyihiin inay (Dibed-baxa), askarigana Xaq uma laha inuu Xabad ku rido.” ayuu yidhi.

Waraysiga Xoghayaha oo Dhamaystiran halkan Hoose ka Daawo 

https://www.facebook.com/HornCableTv/videos/2358635504447177/?t=1313

 

Cabdiqaadir A. Carab

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka