Akhri: Dhul Go’ Sababay Dhimashada Tobannaan Qof Iyo Dhaawaca Dad Badan

Cameroon (HCTV) – Tobannaan Qof ayaa ku dhintay Dhul go’ ka dhashay Roobab waaweyn oo ka da’ay Magaalada Galbeedka Dalka Cameroon ku taalla ee Bafoussam, sida ay sheegtay Warbaahinta Dawladdu.

Kooxaha Gurmadka deg-degga ah ayaa isku hawlaya inay Guryaha dumay Hoostooda ka baadhaan Dad ka bedbaaday dhul go’a Roobabka Mahiigaanka ahi sababeen Habeenkii Isniintii la soo dhaafay, sida uu Maalinnimadii Salaasadii baahiyey Telefiishanka Dawladdu leedahay.

“Dadka halkan Deggan waxaanu waydiisanaynaa inay ka guuraan halkan, maxaa yeelay Xaqiiqatan halkani waa khatar..” ayuu yidhi, Badhasaabka Gobolka Galbeedka Cameroon, Awa Fonka Augustine

Wakaaladda Wararka ee AP ayaa Badhasaabka Gobolka Galbeedka ka soo xigatay in Dadka dhul go’a ku dhintay ay u dhexeeyaan 13 illaa 34 Qof “Tirada Dadka dhintay way ku kordhi kartaa, maxaa yeelay Shilkani wuxuu dhacay Xilli habeennimo ah, adigoo garan kara in xilligaa ay Carruurtu guryaha hurudday..” ayuu yidhi, Mr. Augustine, waxaanu intaa ku daray inay jiraan tobannaan Qof oo dhaawacmay.

Wargeyska Dawladda Cameroon ee Tribune ayaa isaguna sheegay in la soo saaray 33 Qof oo Meyd ah, kuwaasi oo ay ku dumeen Guryihii ku yaallay halka Dhul go’ ka dhacay.

Sidoo kale, waxa la la’yahay Tobannaan Qof, kuwaasi oo ay ku jiraan ugu yaraan 2 Dumar ah oo Uur leh.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka