Itoobiya Oo Qabatay Laba Ka Mid Ah Dablaydii Soo Weerartay Saldhiga Boorama

Hargeysa (HCTV) – Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigtay laba ka mid ah dablaydii habeen hore salaadii subax weerartay saldhiga degmada Borama ee gobalka Awdal, sida uu Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala.

Dablaydan ayaa markii ay hawlgalka fuliyeen waxa ay qaarkood u talaabeen xuduudka Itoobiya, ka dib markii ay hawlgal ay ku raad joogaan fuliyeen ciidamada ammaanka Somaliland, waxaana dawladda Itoobiya ay qabatay laba ka mid ah kooxda hubaysan ee u talowday, ka dib markii ay dawladda Somaliland ku wargelisay Itoobiya inay kooxdaasi u talowday xuduudkooda.

Sida uu warkani sheegay dawladda Somaliland ayaa isla shalayba ka codsatay Itoobiya inay u soo gacan-geliso labada xubnood ee ay qabatay.

Kooxdan oo uu hawlgalkooda sheegtay Suldaan Wabar, ayaa waxa ay fuliyeen hawlgal kooban oo aan sababin wax khasaare ah, waana hawlgalkii u horeeyay ee ay fuliyeen tan iyo intii uu Madaxweyne Biixi qabtay talada Somaliland sannadkii 2017.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

Xigasho: Geeska Afrika