Somaliland: Xukuumadda Oo Ka Digtay Duufaan Soo Waajahan (Akhri)

 Hargeysa (HCTV) – Dawladda Somaliland ayaa digniin ka soo saartay Duufaan la saadaaliyey inay ku soo waajahan tahay Xeebaha Somaliland.

Maareeyaha Hay’adda u diyaar-garowga Masiibooyinka Dabiiciga ah ee Somaliland, Faysal Cali Sheekh oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Waxa jira Duufaano Xooggan oo ka soo kacay Waqooyiga Bad-weynta Hindiya, duufaannadaa oo derajadooda illaa 4 lagu tilmaamay, waxa saamayntoodu illaa hadda ka bilaabantay Xeebaha Cumaan, waxaana la filayaa inay u soo gudbaan dhinaca Xeebaha Somaliland, gaar ahaan Laasqoray, Maydh, Xiis, Onqor, Berbera, Bulloxaar, Ceel Sheekh, inay halkaa soo gaadho ayaa la filayaa, Ilaahay og, laakiin Waajibaadka na saarani waa inaanu Ummadda uga digno Wakhti ka hor, markaa waxaanu jecelahay inaanu Dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan Dadka ku nool deegaannadaasi inay ka digtoonaadaan.”

Maareeyuhu waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu uga digaynaa Kalluumaysatada reer Somaliland ee deegaannadaa ee hadda ku jira badda inay ka soo baxaan, kuwa doonaya inay hadda galaana inay ka joogsadaan, Doonyaha iyo Maraakiibta Shixnadaha qaadana waanu uga digaynaa..”ayuu yidhi.

https://www.facebook.com/HornCableTv/videos/2326110557718777/?t=131

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka