Madaxweyne Farmaajo Oo Socdaal Ugu Baxay Beledweyne

HomeSomali News

Madaxweyne Farmaajo Oo Socdaal Ugu Baxay Beledweyne

Dad Rayid Ah Oo Lagu Dilay Gaalkacayo Iyo Xildhibaanada Aqalka Sare Oo Cambaareeyey
Idaacada 9:00 Habeenimo Ee BBC Somali Oo La Xidhayo
Xildhibaan Ilhaan Cumar Oo Shaacisay Inay La’ Aqal Gashay Tim Mynett
Puntland Oo Xukun Dil Iyo Xabsi Ah Ku Riday Xubno Katirsan Kooxda Al-Shabaab
Somaliland: Wargeyska Foore Oo 7 Bilood Ka Dib Xayiraadii Laga Qaaday

Beledweyne, (HCTV) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaadhaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay ku dhufteen daadad lixaad leh oo ka soo rogmaday Wabiga Shabeelle oo fatahay.

Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ku soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.

Socdaalka madaxweynaha ayaa la xidhiidha xogogaal u noqoshada xaalada Banni’aadannimo ee ka taagan Beledweyne kaddib fatahaadii cusleyd ee ku dhufatay, waxaana la filayaa in uu booqdo deegaannada loo barakacay gaar ahaan deegaanka CeelJaale oo ay waqtigan deegaan ku ah Kumannaan qoysas ah oo ka barakacay Fatahaadda.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo baxayay dhaliilo culus oo loo jeedinayay madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya oo siyaasiyiinta qaarkood ku eedeeyeen in aysan uga jawaabin mashaqada ka dhacday magaalada Beledweyne sidii loo baahnaa.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS