Safiirka UK u Fadhiya Somalia Oo Ka Hadlay Dhibaatada Wariyeyaasha Soomaalidu Ay La Kulmaan

Muqdisho, (HCTV) – Safiirka dalka UK u fadhiya Somalia, Ambassador Ben Fender ayaa sheegay in saxaafadd madaxbanaani ay lafdhabar u tahay bulsho xor ah, waxaanu tilmaamay in Saxaafada Somalia iyo Somaliland ay cadaadis iyo xadgudubyo ay la kumaan.

Safiirka oo maanta la kulmay suxufiyiin u ololayaynaya sidii arimahaasi loo joojin lahaa oo ku sugan Somalia, ayaa muuqaal uu galiyey barta uu ku leeyahay twitter-ka isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi Safiirku “Maanta waa maalin gaar ah, marka ay dadku isku yimaadaan si ay usoo afjaraan dambiyada ka dhanka ah saxaafada. Waxaan la kulmay qaar ka mid ah Suxufiyiinta Soomaalida si aan u muujino midnimo iyo taageero.

Somalia waa meel ka mid ah meelaha ugu adag  in aad suxufi ka noqoto, tobankii sanadood ee u dambeeyey in ka badan 50 Suxufi ayaa la dilay, waxaana ugu dambaysay Hodan Naaleeye oo dadka dhiirigalisa iyo Maxamed Salad Cumar oo ku dhintay weerarkii ka dhacay Kismaayo bishii July ee sanadkii hore,” ayuu yidhi Safiirka Dawladda Ingiriiska u fadhiya Somalia, Ben Fender.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.