Dr. Gabbboose Oo Sheegay In Somaliland Laga Duway Ujeeddadii Halgankii SNM

Hargeysa (HCTV) – Siyaasiga Caanka ah ee Maxamed Cabdi Gabboose ayaa eedaymo culus culus u jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo uu sheegay inay ku dhisan tahay Hab Kooxaysi ah oo ku kooban laba Beelood keliya.

Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in sababta reer Somaliland u soo galeen halgankii adkaa uu ahaa in Dalka Caddaaladi ka hano-qaaddo, laakiin xaaladda Maanta Somaliland ku jirto tahay Xaalad adag.

Dr. Gabboose oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan diiddanahay Maamul-xumida Maanta Dalka ka jirta iyo Cidhib-xumadeeda dambe, Sawirka guud ee dalku halka uu Maanta marayo maaha mid qurxoon, waxaanu dib ii xasuusiyey Midhihii ka dhashay Talo-xumadii Lixdankii, sidii bilaa gor-gortanka ahayd ee labadii dhinac ee midoobay dhinicii kale ay dhammaan Mansabyadii iyo Manfacii Dawladnimada, jawaabtii baadi-goobkaasi waxay noqotay inaan Talo iyo Quluub midaysan lala tagin.

Ifafaalaha imika ii muuqdaa wuxuu i tusayaa Talo xumo iyo kala qaybsanaan ka qoto-dheer tii hore, lagana yaabo in Maxsuulkeedu ka cidhib xumaado tii lixdankii haddaan la dabo-qaban oo aan Eebbe caymin.”

Maxamed Cabdi Gabboose waxa kale oo uu sheegay “Nasiib-darro, in muddo ahba waxa ka hano-qaaday Geyigayaga siyaasad kooxaysan oo ku qotonta kala qaybinta iyo kala irdhaynta Ummadda Walaalaha ah, Kooxdani waxay ku adeeganayaan Isbahaysiga siyaasadeed ee Jeegaamaysan oo ah Shaadh ay keligood ku macaashaan, waxaan ku nuux-nuuxsanayaa in beelaha ay ka soo jeedaan aan marnaba loo aanayn karin Eraygaas iyo siyaasadda Guracan ee ay Hal-abuurkeeda leeyihiin.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Badanaa, inta Hal-door Milgo iyo maamuus leh oo ka soo jeeda Beelahaas oo Karaamo iyo Waxqabad Ummadda u soo kordhin lahaa Xayndaabka siyaasadda looga tuuray in aanay la aragti ahayn.”

Gabboose wuxuu sheegay oo kale in laga baydhay Ujeeddadii halkii hubaysnaa ee SNM “Waxaynu ogsoon nahay in Nuxurkii Halgankii adkaa iyo Curashadii Somaliland ujeeddadeedu ahayd inay Dalkeena ka suusho Caddaalad-darradii iyo Dulmigii Midabbada badnaa ee ina soo maray,  mid shakhsi iyo mid deegaan, lana dhiso Bulsho-weynta Somaliland ee Bari iyo Galbeed oo nabdoon oo meelna u wada jeeda.”

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka