Akhri: Madaxweynaha Somaliland Oo Booliska U Magacaabay Taliye Cusub

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Goor dhawayd Magacaabay Taliyaha Cusub ee Ciidammada Booliska Somaliland.

Madaxweynaha ayaa Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska u Magacaabay Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) oo ka mid ahaa saraakiisha Ciidammada Millateriga Somaliland.

Inkasta oo aanay jirin Qoraal Rasmiya oo ka soo baxay Madaxweynaha Somaliland oo soo gaadhay Telefiishanka HCTV, haddana Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyey in Madaxweynuhu uu Taliyaha cusub ee Ciidammada Booliska u Magacaabay Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale)

Taliye Daba-gale ayaa buuxinaya Jagadii uu banneeyay Allaah ha  u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidammada Booliska Somaliland, Cabdillaahi Fadal Iimaan oo Toddobaadkan ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka