Akhri: Turkiga Oo Qabtay Gabadh Ay Walaalo Yihiin Hoggaamiyihii Daacish, Odaygeedii Iyo Shan Carruur Ah

Suuriya (HCTV) – Madaxda Dawladda Turkiga ayaa sheegay inay qabteen Gabadh ay Walaalo yihiin Hoggaamiyihii kooxda Daacish, Abu Bakr Al Baghdadi.

Gabadhan ay Walaalaha yihiin Abu Bakr Al Baghdadi oo Da’ ahaan ka weyn Abu Bakr ayaa Isniintii Shalay lagu qabtay Tuulo ku taalla Waqooyiga Dalka Suuriya oo lagu Magacaabo Azaz, sida uu baahiyey Wargeyska The National.

Su’aalo ayaa la waydiinayaa Ninkeeda iyo Sodohdeeda, kuwaasi oo sidan oo kale Hawl-gal loogu soo qabtay.

Rasmiya Awad oo Da’deedu tahay 65 ayaa lagu soo qabtay Tuulo ku dhow xuduudka Suuriya oo Turkigu maamulo, xilliga la qabanayey waxa la socday 5 Carruur ah oo ay dhashay, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Wax badan lagama oga Haweenayda la qabtay Taariikhdeeda, laakiin Madaxda Turkiga ayaa sheegay inay ka mid ahayd Daacish, laakiin Sarkaal Turki oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay baadhitaan Sirdoon ku samaynayaan Baqdaadi Walaashii.

Al Baghdadi oo ahaa Hoggaamiyihii Daacish ama ISIS ayaa bishii hore Naftiisa dilay, ka dib markii uu is-qarxiyey xilli uu socday Hawl-gal ay Ciidammada Maraykanku ku doonayeen inay ku soo qabtaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka