Djibouti Oo Ku Eedaysay Somaliland Inaanay Kala Shaqaynin Baadhista Kiiska Qaraxii Djibouti Ee 2014

HomeSomali News

Djibouti Oo Ku Eedaysay Somaliland Inaanay Kala Shaqaynin Baadhista Kiiska Qaraxii Djibouti Ee 2014

Iran Oo Kordhinaysa Tayaynta Heerka Macdanta Ay U Adeegsanayso Nuclear-ka
Iran Oo Maraykanka Ku Dhaliishay Dadkii Sucuudigu Dilka Ku Fuliyey
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Tababar Mihiim Ah U Furay 80 Qasneji Oo Ka Tirsan Waaxda Cashuuraha Berriga
Saylici Oo Ka Hadlay Askari Boolis Ahaa Oo Lagu Dilay Laascaanood
Madaxweynaha China Oo Madxda Africa U Balan Qaaday Inuu Hir Galinyaayo Maalgalin Dhan 6 Bilyan

Hargeysa(HCTV) – Dawladda Djibouti ayaa ku eedaysay dawladda Somaliland inay ka gaabisay inay wada shaqayn kala samayso baadhista kiiska qaraxii Djibouti ka dhacay sannadkii 2014.

Warbixin ay soo saartay dawladda Maraykanka oo lagaga hadlay la dagaalanka argagixisada, waxa lagu sheegay in la soo gebagebeeyay iskaashi caalami ah oo hordhac ah oo la xidhiidha baadhista qaraxaas Djibouti ka dhacay sannadkii 2014, waxaana sida warbixintan ka muuqata ay masuuliyiinta Djibouti sheegeen inaanu garsoorka Somaliland la samaynin iskaashi buuxa, iskaashi la’aantaas oo  ay sheegeen inay dib u riday baadhista kiiskaas, “Waxa la soo gebo-gabeeyey sanadkii 2018 iskaashi caalami ah oo hordhac ah oo ku saabsan kiiska qaraxii 2014 ka dhacay [maqaaxida] “La Chaumiere.” Ayay tidhi warbixinta Maraykanku soo saaray, waxaanay intaas raacisay “ Dawladda Jibuuti waxa u qorshaysnayd inay bilawdo dacwadda ciqaabta ah 2019. Sida ay sheegeen saraakiil dawladda [Djibuuti] ka tirsan, iskaashi la’aanta  garsoorka deriskeeda Somaliland ayaa ka qayb qaatay dib u dhaca baadhista.”  Sidaas ayay tidhi warbixinta Maraykanku.

Warbixintan ayaa lagu daabacay bogga wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka 1 November, 2019, lagumana darin aragtida iyo jawaab celinta dhinaca dawladda Somaliland ee eedaha loo jeediyay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

Xigasho: Geeska Afrika

                                                

COMMENTS