Maraykanka Oo Baaq U Diray Dawladda Federaalka Iyo Maamulada Somalia

Nairobi, (HCTV) – Dawlada Maraykanka ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay dawladda federalka Somalia iyo maamul goboleedadeeda ay ugu baaqayso inay ka shaqeeyaan dib u heshiisiin siyaasadeed, iskaashi iyo midnimo bulsheed, iyadoo loo marayo wadahada nabadeed, sida lagu sheegay baaqa ka soo baxay dawladda Maraykanka.

Baaqan ka soo baxay Dawladda Maraykanka ayaa u dhignaa sidan:-

Dowladda Mareykanka waxay ku boorineysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, dhammaan Dowladaha xubinta ka ah Federaalka, iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan dib-u-heshiisiin siyaasadeed, iskaashi, iyo midnimo ayadda oo loo maraya  wadahadal nabadeed.

Soomaaliya waxay ku tallaabsatay horumar wax ku ool ah oo laga dareemayo dhinacyadda muhiimka ah. Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan inay isu yimaadaan oo ay la shaqeeeyan saaxibada Soomaaliya ee caalamiga ah si loo helo nabad, xasilooni, iyo barwaaqo.”

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.