Macron Oo Sheegay In Yurub Ka Walwalsan Tahay Jihaadiisteyaasha Gobolka Bakans-ka.

Paris, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in dalalka Yurub ay walaac xoogle ka qabaan Bosnia iyo Herzegovina, kaas oo tilmaamay in Balkans-ka ay dib ugu soo noqotay dhibaatadii Jihaadiistayaasha.

Madaxweynaha Bosnia Zeljko Komisic, ayaa sheegay inuu u yeedhi doono safiirka Faranskiiska u fadhiya Sarajevo si ay wax uga waydiiyaan hadalka ka soo yeedhay Madaxweynaha dalka Faransiiska oo waraysi siiyey wargeyska Economist oo soo baxay maalintii khamiistii.

Markii wax laga weydiiyay dalabka Albania iyo Waqooyiga Makedoniya oo bilaabay wadahadalada xubinnimada Midowga Yurub, ayaa Madaxweyne Macron wuxuu sheegay in labada wadan midkoodna aanu ahayn kuwa laga walwalo gobolka Balkans, balse ay walwal xoogle ka qabaan Honsia-Herzegovina.

“Haddii aad ka welwelsan tahay gobolkaan, su’aashu maaha midkoona Makedoniya ama Albania, waa Bosnia-Herzegovina,”

Madaxweynaha dalka Faransiiska ayaa intaa ku daray in kooxaha hubaysan ee baxsadka ah ee ka tirsan Kooxda ISIS ay khatar ku keeni karto Yurub marka ay dib ugu soo noqdaan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.