Trump Oo Doonaya Inuu Xadhigga Ka Jaro Biyo-xidheen Itoobiya Ee Masar Iyo Suudaan Diiddan Yihiin

Addis Ababa (HCTV) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Wasiirro ka socday Dalalka Suudaan, Masar iyo Itoobiya u sheegay inuu doonayo inuu isagu xadhigga ka jaro marka uu dhamaado Biyo-xidheenka Itoobiya dabka ka dhalinayso ee lagu muransan yahay.

Sidaana waxa sheegay Wasiirka Biyaha iyo Waraabka Itoobiya, ka dib kulan Lix Wasiirro oo 3 dal ka socdaan la yeesheen Madaxweyne Trump, kulankaasi oo la doonayey in xal loogu raadiyo Khilaafka Dalalka Masar, Suudaan iyo Itoobiya ka dhexeeya, maaddaama oo Masar iyo Suudaan ka wer-wersan yihiin in Biyo-xidheenka Itoobiya ka samaysay Webiga Niil uu hoos u dhigo Biyihii ay Dalalkaasi ka heli jireen Webiga.

Sileshi Bekele, Wasiirka Biyaha iyo Waraabka ee Itoobiya ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu hadal ka jeediyey kulanka dhexdhexaadinta ee lagu doonayo in hab diblumaasiyadeed lagu xalliyo Khilaafka ku saabsan habka Saddexda Dal ee Itoobiya, Masar iyo Suudaan u wadaagayaan biyaha Webiga Niil.

Intii lagu jiray Kulanka, waxa saddexda Dhinac isku raaceen in Maraykanku uu sii wado dhexdhexaadintooda, heshiis kama dambays ahna la gaadho 15-ka bisha January ee sannadka dambe.

Wasiirka Biyaha iyo Waraabka oo Afka Amhariga kula hadlayey Weriyeyaasha Khamiistii la soo dhaafay ayaa yidhi “Madaxweyne Trump oo nala fadhiyey wuxuu yidhi, waxaan doonayaa inaan xadhigga ka jaro (Biyo-xidheenka Itoobiya) Munaasibadda lagu daah-furayo..”

Warkan waxa baahisay Wakaaladda Wararka ee Reuters isla-markaana uu Telefiishanka Horn Cable Tv ka soo xigtay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka