Iran Oo Heshay Goob Cusub Oo Ay Ku Jiraan 53 billion Oo Foosto Oo Shidaal Ah

Tehran, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Iran ayaa ku dhawaaqay in gobolka Khuzestan laga helay ceel shidaal ah oo ay ku jirto 53 billion oo foosto oo shidaal qaydhin ah, waxaanu Madaxweynaha dalka Iran uu intaasi ku daray in helida ceelkani ay kordhin doonto kaydka shidaalka dalkiisa.

Madaxweynaha dalka Iran waxa uu sidaasi sheegay mar uu si toos ah uga hadlayey telefishanka qaranka dalkiisa isaga oo ku sugan badhtamaha magaalada Yazd, waxaanu intaasi ku daray maanta oo axad ah in ceelkaasi uu ku yaalo gobolka Koonfureed Khuzestan, halkaas oo hoy u noqon doonta warshda shidaalka qaydhin.

“Waxaan u sheegayaa Aqalka Cad in maalmihii aad cunaqabataynta ku soo rogteen iibinta Shidaalka Iran, in shaqaalaha iyo Injineerada dalku ay awoodeen inay furka ka furan 53 billion oo foosto oo shidaal ah,” ayuu yidhi Madaxweynuhu sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Fars.

Kaydka shidaalka ayaa caadiyan loo tixgaliyaan inay tahay mid qaydhin oo ay suurtagal tahay in la soo saaro.

Dalka Iran ayaa wakhti xaadiran ah dalka Afarta ee leh kaydka shidaalka ugu balaadhan Aduunka ee Saladiiga qaydhin iyo dalka labaad ee ugu balaadhan kaydka Gaasta dabiiciga ah ee aduunka.

Waxaana goobtan cusub ee shidaalka laga helay ay ka dhigaysaa Iran ka labaad ee ugu balaadhan kadib markii mid ka kooban 65 billion oo foosto laga helay Ahvaz.

Xiisada u dhaxaysa Maraykanka iyo Iran ayaa cirka isku shareertay sanadkii la soo dhaafay kadib markii Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu dhiniciisa uu ka baxay heshiiskii Maraykanku la galay 2015-kii ee dhinaca nuclear-ka ee u dhexeeyey Iran iyo quwadaha aduunka.

Waxaanu heshiiskaasi Iran ka joojinayey horumarinta barnaamijka nuclear-ka iyadoo Irana ay dhaafsanayso arintaasi in laga khafiifiyo cunaqabataynta caalamiga ah.

Hase yeeshee markii Maraykanku uu heshiiskaasi ka baxay kuna soo rogay cunaqabatay ayaa Iran waxa ay la halgamaysay sidii ay shidaalkeeda ugu dhoofin lahayd dibada iyo iyadoo dhaqaalaheedana go’doon la galiyey, taas oo qayb ka ahayd olole lagu doonayo in Iran lagu khasbo inay qaadato heshiis cusub oo lala galo oo ay aad uga soo horjeedo.

Waxaana bishii June uu Madaxweyne Trump uu cunaqabatayn kale uu ku soo rogay madaxda ugu saraysa dalka Iran oo uu ku jiro hogaamiyaha ruuxiga ah ee dalkaasi Ayatula Ali Hosseini Khamenei.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.