Golaha Wakiilada Oo Ansixiyey Xubno Ka Mid Ah Guddida Cusub Ee Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa, (HCTV) – Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhi ay yeesheen maanta ku ansixiyey lix xubnood oo ka mid ah todobada xubnood ee guddida doorashooyinka Somaliland ee dhawaanta la soo magacaabay, waxaana ka maqnaa xubintii xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani uu ku lahaa Komishanka cusub .

Fadhiga Golaha Wakiiladu ay ku ansixiyeen xubnahan Guddidan Doorashada Somaliland ayaa waxa ka soo xaadiray 65 xildhibaan, waxaana shir gudoominayey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Waxaanay xildhibaanada fadhigaasi ka soo qaybay ay mid mid u anisixiyeen lixdaasi xubnood ee guddida Doorashooyinka Somaliland.

Lixdan xubnood ee ka mid noqon doona guddida doorashooyinka Somaliland ayaa waxa ku jira Cabdirashiid Riyo-Raac iyo Marwo Kaltuun oo iyadu ka mid ahayd komishankii hore ee doorashooyinka, kuwaas oo xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee Waddani iyo UCID ay ka biyadiidsanaayeen ka midnoqoshada guddida doorashooyinka ee xubnahaasi.

Waxaana fadhigii lagu ansixiyey lixdaasi xubnood ka maqnaa xubintii xisbiga mucaaridka ah ee Waddani uu ku lahaa guddida doorashooyinka oo aan ka soo xaadirin.

Markii Ansixinta xubnahaasi Guddida Doorashooyinku ay soo dhamaatay ayaa waxa dareenkiisa uga waramay Warbaahinta Cabdirashiid Riyo-raac oo ka mid ahaa guddidaasi cusub ee Komishanka Doorashooyinka waxaanu yidhi “Dareenkaygu wuu fiican yahay, Illaahayna waan u mahadnaqayaa, qarankuna waajibkiisii ayuu gutay, waxaan ahaa muwaadin xaq u lahaa inuu xilkaasi qabto.

Maanta xisbi ma ihi waxaan ahay qof dhexa, dadkana waxaan leeyahay qof la dhaarinayo oo Illaahayna yaqaana waxa uu ku shaqaynayaa cadaaladd,” ayuu yidhi Cabdirashiid Riyo-raac.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.