Maraykanka Oo Sheegay Inay Duqayn Ku Dileen Sarkaal Al-shabaab ka Mid Ahaa

Jilib (HCTV) – Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay Sarkaal ka mid ahaa kooxda Al-shabaab ku dileen Duqayn diyaaradeed oo ka dhacday agagaarka magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Hoose ee Dalka Soomaaliya.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed Maanta ka soo baxay Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika ee fadhigiisu yahay Dalka Jabuuti.

Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya saaxiibbadooda Soomaaliya ay shalay weerar xagga Cirka ah ay ka fuliyeen meel ku dhow degmada Jilib isla-markaana beegsadeen xubno ka mid ah Al-shabaaab.

Taliska AFRICOM ma sheegin Magaca Sarkaalka ay sheegeen inay duqaynta ku dileen, balse waxay sheegeen inaan hawl-galkaa duqaynta ah aanay waxba ka soo gaadhin Dadka Rayidka ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka