Laba Wasiir Oo Namibian Ah Oo Isku Casilay Eedo Musuqmaasuq

Windhoek, (HCTV) – Laba Wasiir oo ka tirsan dawladda Namibia ayaa iscasilay kadib markii lagu eedeeyey Musuqmaasuq, laaluush qaadasho iyo lacago la lunsaday.

Labadan Wasiir ee iscasilay ayaa kala ah Bernhard Esau oo ah Wasiir Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda iyo Sacky Shanghala oo ah Wasiirka Cadaalada kuwaas oo lagu eedeeyey inay laaluush ka qaateen shirkadda ugu weyn dhinaca kalluumaysiga dalka Iceland oo ogolaansho loo siiyey khayraadka badda ee uu qaniga ku yahay dalka Namibia inay gurtaan.

Esau iyo Shanghala ayaa is-casilay kadib markii afhayeenka Madaxtooyada Alfredo Hengari uu war-saxaafadeed uu soo saaray uu ku sheegay in labadaasi masuul ay musuqmaasuq ku kaceen.

Sidoo kale iscasilaada masuuliyiintan ayaa timid kadib markii Telefishanka Al-jazeera qaybtiisa baadhistu ay dabagal samaysay, isla markaana Warbaahinta dawlada Iceland RUV, iyo wargeyska Icelandic magazine Stundin ay baahiyeen documentiyo la soo dusiyey.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.