Nuxurka Wadahadal Dhexmaray Madaxweynaha Somalia Iyo Dhigiisa Kenya

Nairobi, (HCTV) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan wadahadal ah magaalada Nairobi kula yeeshay dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta, kuwaas oo ka wadahadalay cilaaqaadka labada dal iyo sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka diblomaasiyadeed ee labada dal dhexmaray mudooyinkii la soo dhaafay.

War-qoraal ah oo lagu baahiyey warbaahinta Dawladda Somalia ayaa lagu sheegay in wax-yaabaha ay ku heshiiyeen labada madaxweyne ay ka mid yihiin:-

  1. In xidhiidhka labada dal lagu soo celiyo si caadi ah, iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada dalna la xoojiyo.
  2. In Duulimaadka tooska ah ee Miqdisho iyo Kenya lagu soo celiyo toos (Wajeer aan la soo marin) muddo toddobaad ah.
  3. In muwaadiniinta wata baasaboorrada Rasmiga ah (Service iyo Diplomat) visaha Kenya ay ka qaataan Garoomada Kenya (On arrival)

Laakiin madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in qoddobadan iyo wadahadallada uu la yeeshay madaxweynaha Kenya marnaba saameyn ku yeelan doonin kiiska Badda ee horyaala Maxkamadda ICJ ee dacwadda hadda.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u tagay magaalada Nairobi ka qeybgalka shir caalami ah oo ay soo qabanqaabisay Qarramada Midoobey, hasse ahaatee waa la sii hadal hayay kulanka dhaxmaray labada madaxweyne.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.