Madaxweyne Biixi Oo Sheegay Inay Sharci Yihiin Komiishanka Cusub Ee Doorashadu (Akhri)

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta jawaab ka bixiyey muranka ka taagan xubnaha cusub ee Komishanka ee ay dhawaan ansixiyeen golaha wakiillada Somaliland, kaasi oo uu diiddan yahay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Madaxweynaha oo maanta ka hadlay munaasibad uu ku daah-furay carwo dhinaca Caafimaadka ah oo Hargeysa lagu qabtay, ayaa ugu horrayn, caddeeyey inaanay meelna kaga jirin heshiiskii ay saddexda xisbi wada saxeexdeen qodob sheegaya inaan la soo celin Karin xubnihii hore uga midka ahaa komishankii hore ee la beddelay “Laba qodob bay sheegteen, mid waxay yidhaahdeen Komishankaa cusub ee la doortay la shaqayn mayno, waayo Madaxweynuhu wuxuu jabiyey heshiiskii xisbiyada, xalaal iftiin baa la qashaaye xisbiyada waannu heshiinnay, qodobka ay ku doodeenna waxa yidhaahdeen waxannu ku heshiinnay inaan xubnihii hore Komishanka lagu soo celin, haddii qodobkaas oo qoraal ah ay hayaan ummadda ha usoo bandhigaan, anigu qodobkaas ma saxeexin mana jiraan leeyahaye,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu digtaatooriyad iyo sharci-jebin ku tilmaamay go’aanka ay hoggaanka xisbiga WADDANI kaga soo horjeesteen ansixintii xubnaha komishanka cusub ay ku meelmariyeen golaha wakiilladu, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa jira shuruudo lagu qiyaaso komishanka, haddii aan anigu qaldamo waxa iga dambeeya laba isbaaro oo kala ah guddi-hoosaadka Baarlamaanka iyo goleweynaha oo 82 qof ah, waa la gudbiyey oo intiiba way mareen oo guddidii way sii deysay Baarlamaankiinna wuu u codeeyey, yeelimayno ayuu WADDANI yidhi, digtaatooriyadda ka weyn Baarlamaanka yeellimaayo xaggee lagu arkay.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu Axsaabta mucaaridka ah u soo jeediyey inuu dhawraan shuruucda iyo xeerarka dalka u yaalla, loona hoggaansamo go’aamada sharciyadda ku dhisan ee hay’adaha qaranku soo saaraan.

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka