Xisbiga Waddani Oo Hakiyey Isku Soo Baxyadii Ay Ku Dhawaaqeen

Hargeysa, (HCTV) – Xoghayaha Abaabulka iyo Wacyigalinta xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdilaahi Geeljire oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay hakiyeen isku soo baxyadii xisbiga Waddani uu ka dhigayey xarumta uu ku leeyahay Hargeysa.

Sidoo kale Cabdilaahi Geeljire waxa uu ka hadlay masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani oo xidhan iyo xayiraada xukuumadu ay soo saartay ee ay ku dalbanaysay in la xayiro Telefishanka HCTV.

“Fariinta aan idiinku yeedhay waxay tahay, marka u horaysa inaan u mahadnaqo taageerayaashii xisbiga Waddani ee sida balaadhan u yimid xafiiska shalay, kulankii aanu ugu yeedhnay ee sharciga ahaa ka soo qaybgalay.

Fariinta aan sidaa waxa weeyi, ilaa xalayto waxa na soo gaadhayey ergooyin reer Somaliland ah oo ka kooban culimo, ganacsato, Madaxweyne ku xigeeno hore, Madasha iyo xisbiga kale ee Mucaaridka ah ee UCID oo aanu isbahaysi mucaarid nahay, ergooyinkaas oo naga dalbanayey inaanu hakino isku soo baxii aanu ugu yeedhnay taageerayaashu inay xafiiska xisbiga Waddani yimaadaan ee sharciga ahaa inaanu hakino,” ayuu yidhi Xoghayaha Abaabulka iyo Wacyigalinta xisbiga Waddani, Mr Cabdilaahi Geeljire.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.