Almaas Elman Oo Ahayd Diblomaasi Hore Oo Lagu Dilay Xerada Xalane

Muqdisho, (HCTV) – Almaas Axmed Elman oo ah gabadh Soomaaliyeed horena u ahayd diblomaasi ka tirsan safaarada Soomaaliye ee dalka Kenya ayaa ku dhimatay toogasho xili ay ku sugnayd Xalane oo ah meelaha ugu amaanka badan Muqdisho.

Almaas Elman ayaa la sheegay in markii xabadu ay ku dhacday ay gaadhi waday, isla markaana ilaa iyo hadda aan la garanayn cida ka dambaysay toogashada lagu dilay.

Almaas ayaa hore uga soo shaqaysay Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Kenya sanadkii 2016-kii ilaa 2017-kii.

Sidoo kale Almaas ayaa la dhalatay oo ay walaalo yihiin Ilwad Elman oo u sharaxan Abaalmarinta Bilada Nabadda Aduunka ee Nobel Peace Prize-ka loo yaqaano iyo Iimaan Elman oo ah Kornayl ka tirsan Ciidamada Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hay’adda Amaanka Soomaaliya oo ku saabsan Toogashada Almaas Elman.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.